
In badan ayay su’aashani igu taagnayd. Aniga oo aan helin jawaab aan ku qanco, balse aan isu haysan in aan saxanahay, oo ka labalabaynaya, ayaan dhawr jeer saxeexay buug aan turjumay. Balse markii aan rogrogay, ee aan baadhay curfiga iyo hiddaha turjumaadda, waxaan go’aansaday in aan joojiyo dhaqankaas, dibna aanan u saxeexin buug waxa keli ah ee aan ku darsaday uu yahay turjumaad. Sababta aan idin la wadaago.
Saxeexa (autograph) waxa lagu yaqaannaa qof halabuure ah oo waxqabadkiisa iyo qiimiga loo hayo dartii, dadka ku xidhani uga codsadaan in uu ugu dhigo wax uun muujinaya fartiisa oo u taagnaan doona dun iyo mandheer isku xidha halabuuraha iyo macmiilka waxsoosaarkiisa haysta. Waxa ka mid ah cayaartoy kubbadda ama garamadda uu ku dheelo u saxeexa qof taageere u ah; heesaa muusiggiisa curiyay oo albamkiisa u saxeexa ruux dhegaysta; iyo qoraa buuggiisa u saxeexaya akhristihiisa. Saxeexu wuxuu inta badan yimaaddaa marka qofkan halabuuraha ahi uu sida oo kale caan yahay ama magac weyn oo waxqabadkiisa ku tacalluqaa uu si ama si kale ugu baxo. Waa wax kubbaddan, albamkan, iyo buuggan ka dhigaya mid gaar kuu ah (qofkii lahaa baa ii saxeexay!)
Haddaba, turjubaanku kaalintaa ma qaadan karaa? Si aynu taa uga warcelinno, aynu is wayddiinno kaalinta uu buugga ku leeyahay. Turjubaanku buugga ma uu curin, mana uu qorin, ee wuxuu “ka shaqeeyay” oo uu “sahlay” faafiddiisa. Buuggu in uu afafka iskaga gudbo ayuu wax ku darsaday, taasna waa in uu ku yeeshaa qaddarin iyo qiimi le’eg dedaalkiisa. Tusaale ahaan, maanta waxa dunida ka oogan dhaqdhaqaaqa "#TurjubaankaMuuji — #NameTheTranslator” oo u doodaya in magaca turjubaanku ku soo baxo jeldiga buugga ee aan la qarin hoosna loo dhigin (waa qodob aynu Soomaali ahaan ku wanaagsannahay balse shirkado badan oo caalamka kale ahi xaqiraan). Intaa wax dheer, xuquuqda macnawiga ah (iyo ta maaddiga ah hadba wixii la isla qaato) ee ah in uu yahay turjubaanka buuggan, weligiina ahaanayo ee aan laga duudsiyin.
Hasayeeshee, turjubaanku ma laha xaqa lahaanshaha buugga mana aha qofka u soo istaagaya in uu akhristayaasha u saxeexo. Waa sida madaxa soosaarista iyo agaasinka heesaha fannaan hebel oo ina dhaha albamkii fannaanka aniga ayaa idiin saxeexaya illeen faafiddiisa kaalin baan ku lahaa e. Waa runtaa, doorkaagu waa muhiim. Balse ma gaadhsiisna halka aad ku waddo.
Marar dhif ah ayay dhacday in turjubaanku soo barbarfadhiisto qoraagii buugga dabadeed ay wada saxeexaan, siiba marka turjumaaddaasi xadhkaha goosato ee caan noqoto sumcad weynna soo hoyso. Tusaale waxa u ah Giragori Rabaasa oo turjumaaddiisii Ingiriisiga ee buugaggii Gaarshiya Maarkees ay caan ka dhigeen gaadhsiiyeenna heer qoraagu uu ku casuumo in ay buugga “One Hundred Years of Solitude” wada saxeexaan. Markan lafteeda, waa sidii in qoraagu kuu igmaday, ee iskaa inta aad isu soo xombaboortid, iska ma qaadanaysid kaalintii qoraaga.
Taas baan ku qancay. Anshiga turjumaadda ayaanay ka mid ahayn in turjubaanka kaalintiisa la dhayalsado, sida oo kalana aanu isaguna ka badbadin oo intiisa soo dhaafin. Qoraa kasta oo buuggiisa inta aan turjumay aan iska saxeexdayna, raalligelin baan siinayaa. Kollay badankoodu way geeriyoodeen, ee akhristayaasha ayaan taa u marinayaa oo uga cudurdaaranayaa. Waan khaldanaa! Hadda ayaan se hagaag u fahmay, ugana toobadkeenay. Waxaanan rejaynayaa in turjubaannada kale ee qoraalkani gaadhaana ay taa dhugtaan waxna iska wayddiiyaan, oo dhammaanteen aynu ka waantawno dhaqankaas. Akhristayaashuna buugga abaalkiisa ha siiyeen oo ha akhriyeen aadna ha u gorfeeyeen.
W/Q:Aw Guudcadde