Denmark: Wasiirka isdhaxgalka oo diidey in loo ogolaado dhallinyada muslimiinta goobo ay ku tukadaan.

RH: Baaritaanka ku saabsan qolalka salaadda ee goobaha waxbarashada waa arrin muran dhalinaysa oo kor u qaadaysa dhaqammo duug ah oo aan la jaanqaadi karin bulshadeena casriga ah. Sidaas waxaa si cad u sheegaya wasiirka soo-galootiga iyo is-dhexgalka ee Denmark, Kaare Dybvad Bek (S), oo diidan in ardayda dhigata dugsiyada sare iyo jaamacadaha loo oggolaado inay tukadaan inta lagu jiro maalinta waxbarashada.

Wasiirku ma aqbalayo doodda ah in la tixgeliyo baahiyaha diimeed ee kordhinaya fursadaha waxbarasho ee dhallinyarada ka soo jeeda guryo diin xooggan ku dhisan. Wuxuu sheegay in arintani ay taageerayso dhaqammo duug ah oo aan la jaanqaadi karin qaabka ay Denmark u shaqeyso maanta iyo nolosha dhallinyarada, xitaa kuwa ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay.

Hadalkan wasiirka ayaa yimid xilli uu Arbacadii la wareegay talooyinka Guddiga Ololaha ''Haweenka La Ilaaway''. Guddigan ayaa diyaariyey soo jeedimo ku saabsan sida xukuumadda iyo baarlamaanku ula dagaallami karaan rabshadaha sharafta la xiriira iyo xakamaynta bulsho ee ka dhex jirta  qowmiyadaha laga tirada badan yahay.

Mid ka mid ah talooyinka ugu muhiimsan ee guddiga ayaa ah in la mamnuuco qolalka salaadda ee xarumaha waxbarashada.

Warbaahinta B.T. ayaa horey u shaacisay in Jaamacadda Kobenhagen ay horey ugu jirtay qol salaad oo ardaydu si kala gaar ah u isticmaalaan iyadoo lagu kala soocay lab iyo dhedig.

Kaare Dybvad Bek ayaa si xooggan ayuu uga soo horjeeda qolalka salaadda, inkasta oo uusan si rasmi ah u ballanqaadin in xukuumaddu ay sharci ka dhigi doonto mamnuucidda arrintan. Wasiirka ma rumeysna in tixgelinta diimeed ay fure u noqon karto kordhinta fursadaha waxbarasho.

Markii la weydiiyay su’aal ah in qolalka salaaddu ay fursad siin karaan dhallinyarada ka yimid qoysaska aadka diinta ugu adag, wasiirku wuxuu ku jawaabay:
"Mar kasta oo aan u oggolaanno waxyaabahaas, waxaan dib u riixaynaa xorriyadda qofka."

Wuxuu intaa ku daray in dadku had iyo jeer ku doodi karaan in qolalka salaadda ama dabaasha lab iyo dhedig kala soocan ay bixinayso fursado dheeraad ah, balse, sida uu wasiirku sheegay, "waxaa la abuurayaa dhaqan duug ah oo aan la jaanqaadi karin qaabka ay Denmark u shaqeyso maanta."

Inkasta oo dadka qaar ay u arkaan in dabaasha kala soocan ay fursad siiso gabdhaha ka yimid qoysaska adag si ay dabaasha u bartaan, ama qolalka salaadda ay sahlaan in dhallinyarada ay waxbarashadooda sii wataan, haddana wasiirka arrintan uma arko wax faa’iido ah.

"Anigu waxaan rumeysanahay inaysan waqti dheer qaadanin qofku inuu go’aan ka gaaro in uu la qabsado nolosha Denmark," ayuu yiri.
Wuxuu tusaale usoo qaatay wadamo kale sida Faransiiska iyo Sweden oo uu sheegay in ay oggolaadeen qolalka salaadda iyo tixgelinta kale ee diimeed, balse aysan wax horumarin ah ku keenin is-dhexgalka bulshada.

Gebogabo: Waalidiinta muslimiinta ayaan inta badan la socon doodaha ka socda Denmark iyo caqabadaha ay caruurtoodu kala kulmaan goobaha waxbarashada  si ay ilmahooda talooyin haboon usiiyaan.

Category