
RH: Sharciga Danmark ee la dagaallanka xaafadaha ay ku badan yihiin dadka aan reer Galbeedka ahayn ayaa la sheegay inuu yahay takoorku. Sida uu qabo qareenka guud ee Maxkamadda EU, sharcigan wuxuu si toos ah uga hor imanayaa xeerarka Midowga Yurub ee dhigaya in dadka loo siman yahay iyada oo aan loo eegin jinsiyad ama asal qowmiyadeed.
Sharcigan, oo loo ansixiyey sidii xal lagu xoojinayo is dhexgalka bulshada, wuxuu bartilmaameedsanayaa beddelka xaafadaha ay dadkan ku badan yihiin. Hase yeeshee, qareenka guud ee EU wuxuu sheegay in kala sooca dadka reer Galbeedka iyo kuwa aan reer Galbeedka ahayn uu yahay takoorku.
Dacwadan waxaa ka dhashay kiis ay furteen dad laga saaray ama dib u dejin lagu sameeyey guryahooda oo ku yaalla xaafadaha Mjølnerparken (Nørrebro) iyo Schackenborgvænge (Ringsted). Dadkaasi waxay dacweeyeen Wasaaradda Guryeynta, iyagoo ku doodaya in si caddaalad-darro ah loola dhaqmay.
Qareenka u doodaya dadka Mjølnerparken, Eddie Omar Rosenberg Khawaja, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay go'aanka qareenka guud ee EU, maadaama uu si buuxda u aqbalay doodaha ay horey u soo jeediyeen.
Maxkamadda EU wali kama aysan gaarin go’aan rasmi ah, balse inta badan waxay raacdaa talooyinka qareenka guud. Haddii go'aanku uu noqdo mid sharcigan sharci-darro ka dhigaya, Denmark waxaa laga yaabaa inay dib u eegto siyaasaddeeda ku aaddan guryeynta dadka aan reer Galbeedka ahayn.
Diyaarinta: Mohamed-Amiin Siyad Abdi