Skovparken/ Skovvejen oo wali ku jira liiska getto 2024.

RH: 12 xaafadood oo liiska ku jiray sanadkii 2023 ayaa hadda noqday siddeed, laakiin Skovparken/Skovvejen weli waxay ku jirtaa liiska Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Guryaha ee xaafadaha u baahan horumarinta iyo isu dheelitirka bulshada Denmark.

Sababta ugu weyn ee xaafaddan loogu daray liiska Ghetto markii ay ku sifoowday shuruudaha ay kamidka yihiin:

  • Tirada dadka soo galootiga ah iyo faracooda ee aan ka imaan dalalka reer galbeedka oo sareysa.
  • Heerka waxbarashada oo u badan dad leh dugsiga hoose oo kaliya.
  • Tirada dadka dembiyada lagu helay oo sareysa.

Sida laga soo xigtay sharciga  "ghettoloven" (sharciga xaafadaha saboolka ah), waxaa socda qorshe horumarineed oo lagu yareynayo tirada guryaha dadweynaha ee halkaas ku yaalla ilaa ka hooseeyn doonaa 40 boqolkiiba marka la gaaro 2030.


Arrintan waxaa lagu gaaraa iyadoo:

  • Saddex dhisme la dumiyo.
  • Saddex dhisme lagu wareejiyo ama laga iibiyo  shirkad horumarindoonta.
  • La dhisi doono Dhisme cusub oo hoy loogu talagalay dadka waayeelka noqdey iyo kuwa qaba xanuunka dementia( Ilowga ama asaasaqa)  , kaasoo yeelan doona 70 sariirood.
  • Xarunta dukaamada Skovparken, oo ay hore u iibsatay degmada Kolding, la burburinayo.

Xaafadda Munkebo oo horey uga mid ahayd liiska, ayaa sidoo kale lagu waddaa qorshe horumarineed oo la mid ah kan  Skovparken/Skovvejen. Si kastaba ha ahaatee, waxaa ogolaanshiiyo loo siiyay shariikada Bovia oo leh guryahayn in ay soo reebto guryo degaan oo gaadhaya boqolkiiba 60.

 

Category