Multifoods oo kusii fidaya Denmark.

Guusha Fikradaha iyo Barnaamijyada - Ku Saabsan Soo Saaridda Shaqooyinka Haweenka Soo Galootiga ah: Laga Bilaabay Kolding ilaa Vejle

RH: Fikrad cusub oo loo yaqaan Multifoods oo ay bilowday Degmada Kolding sanadkii 2020 ayaa ku guuleysatay inay shaqo siiso haween badan oo ka soo jeeda asallo kala duwan, gaar ahaan Soomaaliya. Barnaamijkan oo xoogga saaray samaynta cunto ay haweenka diyaariyaan oo laga iibiyo dadka caadiga ah iyo shirkadaha, ayaa hadda laga bilaabay Degmada Vejle iyada oo loo bixiyey magaca cusub MultiFokus.

Bilowga Guusha
Haweenka ayaa dhowr jeer toddobaadkii ku kulma jikada weyn ee laga kireeyey Finlandsparken, halkaas oo cuntooyin kala duwan laga diyaarin doono, iyadoo ay ku jiraan isbeddelo ku saleysan dhaqamada haweenka ka qeyb galaya. Halka Kolding ay ku xooggan yihiin haween Soomaaliyeed, Vejle waxay diiradda saaraysaa haweenka kasoo jeeda Afghanistan.

Dhiirrigelinta Iskaashiga iyo Horumarka
Waxaa lagu dhiirrigelinayaa haweenka inay maamulaan oo ay lahaadaan ganacsigooda. Waxaa intaa dheer, mashruucu wuxuu si xoog leh uga faa’iideystay taageerada dad farsamo yaqaan ah sida Annette Møller Therkelsen iyo Birte Muhs oo hore ugu guulaystay in ay barnaamijka ka hirgaliyaan Kolding.

Qorshaha ayaa ah in mashruucan, ka dib markii uu ka hanaqaado Vejle, lagu faafiyo degmooyin kale oo ka mid ah waddanka Denmark si loo xoojiyo isku xirnaanta bulshooyinka kala duwan loona abuuro fursado shaqo oo waara.

Mashruucan wuxuu tusaale u yahay sida loo heli karo guulo la taaban karo iyadoo la adeegsanayo iskaashi iyo fahamka dhaqamada kala duwan ee bulshada.

 

isha warka jv.dk

Tarjumaada: Mohamed-Amiin

Category