
Hargaysa (RH)-Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire ๐๐ฅ๐ฉ๐๐ซ ๐๐ค๐ญ๐ล iyo wefti uu hoggaaminayay, iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh labada dhinac, kuwaas oo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Somaliland iyo Turkiga.
Labada masuul aya ka wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh labada dhinac, kuwaas oo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Turkiga.
Ugu horrayn, Danjiraha Turkigu waxa uu Madaxweynaha JSL ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartankii Doorashashoyinkii Madaxtooyada, isaga oo qiray bisaylka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland iyo sida ilbaxnimada leh ee ay reer Somaliland ula kala wareegeen xilka Qaranka, arrintaasi oo uu Danjiruhu ku tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika, Shacabka reer Somaliland ee adkaysiga badana ay mutaysteen in lagu hambalyeeyo guusha ay gaadheen.
Kulankan waxa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, ka wada shaqaynta arrimaha biniโaadannimada.
Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha Turkiga u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay aad u danaynayso in Dawladda Turkigu ay la yeelato Somaliland xidhiidh toos ah, wanaagsan oo dhinacyo badan leh sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay a๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐.




Radio Hormuud
Studio 3
Hargaysa-Somaliland