54 sano ka hor, macallinka reer Baraasiil iyo faylosoof Maarkistiga ah ee bawlo Fareere (Paulo Freire) ayaa qoray buug aad u muhim ah oo laydhaah- “Tacliinta Dulmanayaasha”. Fareere, waxa uu buuggaas dood ku galaniyaa habka ubadka wax loo baro gumaystaha ka dib. Wuxuu soo bandhigay fikrad uu ku magacaabay “Tacliinta Bangiga”, isagoo ku dooday in kuwa awoodda is biday ay tacliinta u isticmaalaan sidii ay awoodoodu u sii jiri lahayd, halkii ay ahayd in dadka lagu xoreeyo, laguna soo saaro dad iyagu iskood u fekera.
Fareere wuxuu “Tacliinta Bangiga” ku tilmaamay nidaam ahaanshiyaha qofnimo ka xayuubinaya ubadka ku nool waddamada dhawaan dhaladka ah. Hannaankan marka la joogo, waxa ardayga loo tixgaliyaa inuu yahay haan madhan oo ay tahay in lagu buuxiyo cilmiga baraha. Baraha waxaa loo tixgaliyaa inuu yahay qofka ugu mudan fasalka ama mudanaha madasha, halka ay ardaydu yihiin kuwo qofnimadoodii iyo fursadaha ay kaga dhex muuqan lahaayeen doodaha macnaha leh la duudsiyay. Waxa laga niyadjabiyaa in ay su’aalo abuuraan ama ay ka qayb gal sameeyaan.
Erayga “bangiga” wuxuu ka turjumayaa habka “ku shubashadda ama dhigashada” aqoonta. Waa hannaan uu macalinku ku shubayo xog maskaxda ardayda. waxa ay aad ugu suurad eegtahay, sida uu qofku lacag ugu shubto xisaabtiisa banginga. Ardayda waxaa laga filayaa inay xafidaan, ku daydaan, oo ay dib u soo celiyaan macluumaadkii lagu Shubay, iyagoo aan ku darin fikirradooda gaarka ah. waa hannaanka ugu liita habka barashada ee naqtiinku. Habkani waxa uu badhitaarayaa awoodda baraha, halka uu hoos u dhigayo xiisaha aqooneed ee ardayda, taasoo ka dhigaysa tacliinta aalad xakameyn ah, halkii ay ahaan lahayd mid xoreyn ah.
Hannaanka bangigu waa mid ku sii xoogaysanaya dugsiyada Afrika, halkaas oo barayaasha loo arko inay yihiin awood aan su’aal la galin karin. Ardayda waxaa loo arkaa kuwo aan waxba la joogin aan ka ahayn inay qaataan waxa ay barayaashu u sheegaan. Ma jirto wax iswaydiin quman, maadama ay barayaasha uuni xog ku shubayaan maskaxda madhan ee ardayda.
Ujeedka hannaankani, waa in ay ardaydu u fadhiistaan imtixaanno lagu jirabayo tamartooda ay dib wax ugu soo celin ama xasuusan karaan macluumaadkii lagu shubay. Guusha ka dhalata soo celinta macluumaadkaas, ayaa keenta in lagu abaal mariyo shahaadooyin iyo darajooyin, halka fashilka soo celin la’aanta macluumaadkaasi ay keento guuldaro, taasi oo ardayda ku keenta sumcad xumo iyo shaqo la’aan.
Waxa la joogaa wakhtigii la joojin lahaa habkan duugga ah. Fareere, kuma uusan eekaan uun dhaliisha tacliintan ee sidoo kale waxa uu soo badhigay xalka dhibtaatada tacliinta bangiga, Wuxuu booriyay qaabka “Su’aalo-dhalinta,” kaasoo xooga saaraya wada-alkumida aqoonta. Habkan, ardayda waxaa loo tixgaliyaa sidii bini’aadam oo kale, kuwaas oo qayb ka ah waxbarashada. Waxaa lagu dhiirrigeliyaa inay la doodi karaan barayaasha, si ay u noqdaan ka qayb-galayaal firfircoon iyo saamiley, halkii ay ka ahaan lahaayeen aqbalayaal aan door ku lahayn nidaamka waxbarashada.
Marka la joogo Habka Su’aalo-dhalinta, doorka baruhu meesha kama baxo, laakiin wuu isbedelaa uun. Barayaashu waxay noqdaan kuwa fududeeya aqoonta halkii ay ka ahaan lahaayeen isha aqoonta. Waxa ay ardayda la wadaagaan ubucda hannaanka waxbarashada, iyagoo abuuraya jawi ay ardaydu ku abuurtaan shaksiyad iskeed u madaxbanaan, ku keeni karaan fikrado toolmoon, islamarkaana awood u leh xallinta Dhibaatooyinka.
Hannaankani waxbarasho waa ka ay u baahan yihiin inay qaataan iskuullada ka jira qaarada Afrika. Si isbedelkani u hirgalo, waa in hormuudka iskuullada iyo kuwa manhajka dejiyaa ay ahmiyada siiyaan waxbarashada uu ardaygu mudnaanta u yahay. Barayaasha waa in lagu tababaraa habka Su’aalo-dhalinta xiliga ay ku jiraan tababarka baranimo. Sidoo kale waa in maamulayaasha iskuulladu ay dhiirrigeliyaan barayaasha iyo ardayda labadaba si ay isbedelkan u la jaanqaadaan.
Haddii aan hirgalino hannaankan, waxa aan abuuri karnaa jiil awood leh, u fekeri kara si qoto-dheer isla markaana u diyaarsan inay wajahaan caqabadaha adduunka casriga ah.
Haddii aan laga hirgalin isbedelkan iskuullada ku yaal Afrika, waxa ka dhalan karta in aan si wanaagsan looga faa’idaysan maskaxaha dihin. Sida uu yidhi Faransiis Baakon (Francis Bacon), “Aqoontu waa awood, marka la isticmaalo oo kaliya.” Si kastaba ha ahaatee, midho wanaagsan kama keeni karno kaliya aqoonta lagugu shubay, sababta oo ah maahan aqoon adiga kaa timid. Waxa is kaleh ciddii kugu shubay oo noqonaysa barayaasha iyo maamulayaasha iskuullada.
W/Q: Dr. Nuur Xasan
Turjumay: Samatar Abshir Maxammed