Raper caan ah oo Soomaaliya ayaa wajahaya dacwad lagu soo oogay.

RH:Rapper-ka caanka ah ee reer Denmark, Jamaika, oo magaciisa saxda ah yahay Sharmarke Omar Ali, ayaa wajahaya eedeymo culus oo cusub.

Eedeymaha loo heysto waxaa ka mid ah:

  • In uu qof ku hanjabay inuu dili doono isagoo isticmaalaya mindi jikada weyn ah dhacdo ka dhacday Kolding 19-kii November 2023.
  • Darawalnimo isagoo isticmaalay daroogo isla markaana aan lahayn shati darawalnimo.
  • Inuu magac been ah u isticmaalay booliska markay joojiyeen 1-dii August 2023 magaalada Vejle.
  • Waxa kale oo eedeymaha ku jira in uu xabsiga ku haystay daroogo iyo telefoonno badan.

Jamaika hore ayuu dambi ugu dhacay:

  • Sanadkii 2021 wuxuu lagu helay dambi ah inuu mindi ku dhaawacay qof iyo dhacdo kale oo uu qof ku garaacay. Markii hore waxaa lagu xukumay xabsi fog, laakiin maxkamadda sare waxay xukunka u dhintay saddex sano iyo bar oo xabsi ah.

Ciqaabta eedeymaha hadda:

  • Wadista gaariga isagoo aan lahayn shati waxay la imaan kartaa ganaax ah 7,000 DKK ama ka badan haddii uu marar badan ku celiyo.
  • Wadista isagoo isticmaalaya daroogo waxay sababtaa in ruqsadda darawalnimada si buuxda looga joojiyo muddo saddex sano ah, iyo ganaax lacageed oo u dhiganta hal bil oo mushaharkaaga saafiga ah.
  • Hanjabaadaha dilka iyo in alaab sharci darro ah lagu qabto xabsiga waxay sababi karaan ciqaabo dheeri ah oo ku xirnaanaya dembiga xaddigiisa.

Maxkamadda: Dacwadda Jamaika ayaa lagu wadaa inay toddobaadka soo socda ka bilaabato Maxkamadda Kolding. Qareenkiisa, Mette Grith Stage, ma aysan faahfaahin ka bixin eedeymaha.

 

isha warka: jv.dk

Category